|

Ganacsatadii isu xil-qaantay khilaafka Somaliland oo talo-soo-jeedin soo saaray

Hargeysa 26 Aug 2022 (QJ)- Guddi ganacsato ah oo isu xilqaantay in ay xaliyaan khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan ayaa soo saaray go’aano talo-soo-jeedina h oo ku socota dhinacyada khilaafka isku haya iyo daneeyayaasha kale.
Go’aanada ayay ku socodsiiyeen shir gudoonka Baarlamanka Somaliland oo ay sheegeen in sharci ahaan ay tahay in ay waafajiyaan talo soo jeedinta ay sameeyeen.
Warka gudida kasoo baxay ayaa u dhiganaa sida:
Ku: Shirguddoonka Golaha Guurtida;
Ku: Shirguddoonka Golaha Wakiillada;
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
25/8/2022
Talo soojeedin ku saabsan doorashooyinka
Anaga oo ah ganacsato isku xilqaamay sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan doorashooyinka soo socda, waxannu la tashanay khubaro sharciyaqaanno ah shirar aannu yeelanay ka dib. Waxa noo soo baxday in arrinta la isku hayaa tahay mid sharci. Haddaba annaga oo ka duuleyna muhiimadda ay leedahay in golayaasha sharciga loo noqdo marka muran noocan oo kale ahi yimaaddo, waxaannu garannay in aannu talooyinkan u jeedinno golayaasha sharci dejinta.
1. In la dadejiyo oo sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro ansixinta xubnaha ka dhiman Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
2. In la isku sidko oo mar la wada qabto labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada/xisbiyada.
Sababaha aannu ugu talinay in labada doorasho la isku sidko waa:
• Duruufaha dhaqaale ee maanta dalkeenna ka jira sida abaaraha iyo sicir-bararka oo aan innoo suura gelineyn in la qabto laba doorasho oo muddo koobani u dhexayso oo ay ku baxayso labanlaab lacagtii ku bixi lahayd doorasho isku sidkan.
• Waxa sannadkii hore innoo qabsoomay laba doorasho oo isku sidkan oo noqday tusaale wanaagsan oo daariiq cusub innoo jeexay. Hadaba halkii saddex ama afar jeer doorashooyin la qaban lahaa shantii sannood ee kastaba, labada doorasho oo mar la wada qabtaa waxay innoo suura gelineysaa in laba jeer oo keliya doorashooyin la qabto 5-tii sannadoodba. Dalku ma awoodi karo in dhowr iyo tobankii biloodba mar doorashooyin la qabto.
Go’aankii maxkamadda sare iyo kaabista xeerarka ee golayaasha sharci dejintu waxay kor u qaadeysaa sarreynta sharciga iyo in la xoojiyo oo kalsooni la siiyo hay’adaha sharciga ee dalka, waxaaynay xal u noqonaysaa muranka imika taagan.
Waxannu ugu baaqeynaa xukuummadda, xisbiyada mucaaridka, ururrada siyaasadda iyo dhammaanba dadka reer Somaliland in ay golayaasha sharci dajein ku taageeraan sidii ay arrintan xal waara oo sharciga waafaqsan uga soo saari lahaayeen.
Allaa Mahad Leh
Xaaji Aadan Axmed Diiriye
Cabdirashiid Maxamed Siciid
Cabdikariim Maxamed Iid
Ismaaciil Ibrahim Axmed
Maxamed Shukri Jaamac
Cabdillaahi Carab Ismaaciil

Comments are closed