|

Muuse Biixi oo taageero u muujiyay Siciid Sulub kadib weji-gabaxii beeshiisa

Hargeysa 19 August, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa taageero xoogan u muujiyay wasiirka xanaanada xoolaha ee Somaliland, kaas oo maalin ka hor waji gabax kala kulmay dhalinyarada iyo shacabka deegaankiisa oo dhagxan la dhacay kana jajabiyay gaadhigiis.

Muuse Biixi ayaa Khamiistii xafiiskiisa ugu tegay Siciid Sulub xili duhur ah markii uu ka baxay shaqada Madaxtooyada, iyadoo la arkayay madaxweynaha oo lug ku galaya xarunta wasaaradda oo wax ka yar 30 tallaabo u jirta Madaxtooyada Somaliland.

Kulan ay ku kaliyayasteen ayaa xafiiska ku dhex maray Muuse Biixi iyo Siciid Sulub iyadoo markii danbe ay wehelinayeen xubno sirdoon iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada iskugu jiro oo uu weheliyo Taliyaha Ciidamada Boolisku.

Arintan ayay dadka wax falanqeeyaa ku tilmaameen taageero uu Muuse Biixi u muujinayo Wasiir Siciid Sulub.

Siciid Sulub ayaa dhacdo ugub ah kala kulmay beeshiisa kadib markii uu isku dayay in uu ka qayb galo aaska dhalinyaro u geeriyootay dibad baxii ka dhacay Somaliland 11 August, iyadoo la arkayay wasiirka oo dhagxan lagu shiidayo kadibna la jajabiyay gaadhiga uu watay. Waxa sidoo kale la arkayay dadka oo isku dayaya in ay qoryaha ka qaadan ilaalada wasiirka.

Comments are closed