AUN Abwaan Hadraawi oo Maanta ku geeriyooday Hargeysa
Hargeysa August 18,2021 (SD) Alaha naxaariistiisii jano ka waraabiyee, waxa goordhaweyd magaalada Hargeysa ku geeriyooday Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo mudo halkaa ku xanuunsanayay.
Abwaanka oo 79 jir ahaa ayaa ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaala magaalada Hargaysa, oo ay dhakhaatiirtu kula tacaalayeen xaaladiisa caafimaad, sida ay eheladiisu sheegeen.
Abwaanka ayaa qalinka ku duugay heyso tarikhi ah oo ay ka mid yihiin Hooyo, Saxarla, Balawdweyn, Araxmaan iyo qaar kale oo badan, islamarkaana alifay maansooyin caan ah oo afaf qalaad lagu turjumay, wuxuuna door mug leh ka qaatay silsilado maanso oo caan baxay sida Deelay iyo Siinlay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Umadda Ku Hadasha Afka Soomaaliga ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo Maanta ku Geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ah Gudoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Aaska Qaranka ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Wasiirka ayaa shaaciyey goordhayd in la aasi doono marxuumka beri salaada casar, aaskuna uu noqon doono Xabaalaha Baqiiq.