Muuse Biixi oo markii ugu horaysay dabac muujiyay kadib ganacsato u tagtay
Hargeysa. 17 August, 2022 (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa markii ugu horaysay muujiyay dabasanaan ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mawqifyada uu hore u qaatay ee aanu marna ka laaban.
Tallaabadan ayay sabab u ahayd dhawr qodob sida ergo ganacsato ah oo u tegay, cadaadisyada dhan walba kaga yimi iyo taageerada beesha Garxajis ee furista ururada oo uu ku guul daraystay.
Xogo uu Qurbejoog ka helay Madaxtooyada Somaliland waxay sheegayaan in Muuse Biixi rabo in doorashada ururada iyo ta madaxtooyada hal mar la wada qabto, balse lama oga farsamo ahaan waxay noqonayso.
Ganacsato u badan beesha Garxajis ayaa madaxweynaha la kulmay iyaga oo dhexdhexaadinta ay bilaabeen aanay weli dhammaan.
Waa markii ugu horaysay ee Muuse Biixi uu debacsanaan ka muujiyo xaaladda taagan iyadoo dad badani ay qabaan in madaxweynuhu uu is bedelo oo go’aanadiisa aan lagu kalsoonaan karin.
Waxa hore u fashilmay dhammaan isku dayadii lagu rabay in lagu xaliyo khilaafka siyaasadeed ee Somaliland ka taagan, iyadoo ergooyinka Hore uu madaxweynuhu diiday.