Isbhaysiga Mucaaradka Somaliland oo la kulmay Gudida Joogtada Ah Ee Wakiilada oo baadhitaan wada
Hargeysa. 16 August, 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa ka dhacay kulan saacado badan saaka qaatay oo u dhexeeyay gudida ay Isbahaysiga Mucaaradku u xil saartay baadhitaanada tacadiyadii iyo dhacdooyinkii dibad baxyada 11-ka August lu lamaanaa iyo gudida joogtada ahe e Goaha Wakiilada oo iyagun abadhitaan kale wada, baadhitaan kaas oo ku aadan dibad baxyadaa iyo dhacdooyinka xigay.
Qoraal kasoo baxay xisbiga Waddani ayaa lagu yidhi: “Guddida Baadhitaanka Dilalka iyo Tacadiyada Mudaaharaddadii 9 June iyo 11 August 2022 ee isbahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta kulan waqti dheer ah la qaatay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL oo baadhitaan madaxbannaan ku samaynaysa Mudaharaadyadaas.
11 August 2022 waxa lixda gobol ee JSL ka qabsoomay muddaaharaadadii taariikhda Somaliland ugu weynaa. Kuwaas oo selmi ahaa balse isu baddalay goolibaadh shacab boodhadh iyo siidhiyo sita qayb ka mid ah ciidamadda ammaanku xabbad nool la beegsadeen dil iyo dhaawacbana loo geystay.
Axsaabta mucaaradka iyo Golaha Wakiilada JSL ayaa bilaabay baadhitaano daaha ka qaadi doona dambiyadii bannaanbaxyadaa ka dhacay.
Waxa xusid mudan in aan weli talaabo sharci laga qaadin sarkaalkii 9 June gabadha beerka kaga tuntay iyo ciidankii kale ee isku dayey in ay madaxda xisbiga WADDANI dilaan iyo tacadiyadii kale ee warbaahintana laga wada arkay.”