|

Kulamo hoose oo mucaaradka iyo xukuumadda si gaar-gaar ah uga socda Hargeysa

Hargeysa. 12 August, 2022. (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa xalay illa amaanta ka socda kulamo ay leeyihiin masuuliyiinta mucaaradka oo dhinac ah isla markaana dhexdooda shiraya iyo xukuumadda oo iyaduna dhenkeeda shirar gaar ah leh.

Qurbejoog ayaa helay xogaha kualmada qaar iyo cidda ka qayb gashay iyadoo dhanka xukuumadda ay xalay Madaxtooyada ku kulmeen saraakiisha ugu tunka wayn xukuumadda iyo madaxweynuhu waxayna ka wada hadleen arimaha taagan. Madaxwyenaha Somaliland ayaa si adag kulanka uga hadlay isagoo ku adkaystay mar kale in doorashada madaxtooyada aanu qaanayn iyada oo aan la qaban doorashada ururada isla markaana saaxadda uga bixin xisbiyada imika mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani. Dadka kulnaka madaxweynaha kasoo qayb galay waxa la sheegay in uu ku jiray maayirka Hargeysa oo isaga iyo laba masuul oo kale ay madaxweynaha u tageen.

Dhanka mucaaradka, xalay waxa jiray shirar u socday xisbiyada Waddani iyo UCID dhexdooda oo xisbi kastaa si gaar ah madaxdiida ula shirayay waxaana xigay kulamo ay illaa maanta lahaayeen isbahaysiga mcuaaradku, iyagoo ka tashanayay waxa xigi doona xaaladda taagan. Dad badan ayaa soo jeedinayay in xal milatari la qaato oo ciidamo ay keensadaan mcuaradku, arintaas oo u muuqataay mid kasoo dhawaatay aragtidii markii hore kaga aaminsanaa una muuqata mid ay ku wada qanceen badi masuuliyiinta mucaaradku, balse waxaanay weli ka heshiisn qaabka ciidamadaas. Dawlad-ku-meel gaadha h iuyo qaabak ay noqonayso ayaa sidoo kale la isla soo qaaday, balse aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay iyadoo kulamo danbe lagu balamay galabta illa acaawa.

Somaliladn waxa taagan kala-baydh halis ah oo keeni karta in dib ay ugu noqoto nidaamkii beelaha ee lagu dhisay dawladnimada Somaliland, sida ay qabaan dadka la socda siyaasadda Somaliland.

Dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland ayaan wax tanaasul ah muujin iyadoo dad badani ka cabsi qabaan iska hor imaado toos ah oo ka bilaabma Somaliland.

Comments are closed