|

Dawlad ku meel gaadh ah oo Somaliland lagaga dhawaaqayo

Hargeysa. 11 August, 2022 (QJ)- Somaliland waxa ka taagan xiisad isu bedeshay gacan ka hadal taas oo salka ku haysa doorashooyinka gaar ahaan doorashada madaxtooyada oo Muuse Biixi diiday in uu qabto, isagoo raba in uu soo hor mariyo doorashada ururada.

Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay dawlad ku meel gaadh ah oo dalka laga dhisayo wixii ka danbeeya maalinta Sabtida ee toodbaadka danbe kadib wada tashiyo ay samaynayaan imika mucaaradku, sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid burburinaysa hanaanka dawladeed ee Somaliland iyadoo dadka wax falanqeeyaa ay eeda saarayaan madaxweyne Muuse Biixi oo gamcihiisa ay Somaliland ku burburayso 30 sanno kadib, sida ay qabaan dadka wax falanqeeyaa.

Qurbejoog ayaa ogaatay in dibad baxyadu ay sii socon doonaan iyadoo berri uu dhacayo shir u dhexeeya mucaaradka kaas oo lagaga arinsan doono qaabka ay nooqnayso dawladda ay qorsheeyeen hadda.

 

WARARKA KASOO KORDHA XIISADDA SOMALILAND KALA SOCO QURBEJOOG

Comments are closed