|

Mareynaka iyo Britian oo walaac ka muujiyay xaalada Somaliland

Hargeysa Aug 11,2022 (QJ) – Mareykanka madaxa British House ee Hargeysa ayaa diginin kasoo saratay mudahaaradyada dadku ku dhinteen ee ka taagan Somaliland ee ka dhashay is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada madaxweynaha ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda.

Dibadbaxyo ay dhimasho iyo dhawaacyao badani ka dhasheen ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Somaliland, halkaasi oo ciidamada ay rasaas nool ku fureen dibadbaxayaal taageersan mucaaradka.

“Waxaan si xooggan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland inay ka fogaadaan rabshdaha inta ay socdaan dibadbaxyada, ayna si deg deg ah ugu laabtaan wada-hadallada siyaasadeed. Guuldarada in heshiis laga laga gaaro doorashooyinka waxay halis ku tahay guulaha ay Somaliland ka gaartay dawladnimada dimoqraadiga ah,” ayey ka digtay safaaradda Mareykanka Soomaaliya.

Waxa iyana sidoo kale walaac kaa la mid ah baahisay madaxa British House ee Hargeysa Lizzie Walker, oo iyana sheegtay in hanaanka doorashooyinka dib loogu soo noqdo.

Magaalayoonka waaweyn ee Somaliland ayaa maanta waxa ka dhacay dibedbaxyo dad badani ku dhinteen qaar kalena ay dhaawac la jiifaan.

 

Comments are closed