Xukuumadda Somaliland oo aqbashay dibad-baxyada mucaaradka iyo faahfaahinta
Hargeysa. 10 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Somaliland waxay aqbashay dibad baxyadii ay dhigayeen mucaaradka Somaliland iyadoo lagu ladhay shuruudo ay wadato xukuumaddu.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa lagu yidhi:
“Sidaas darteed, asbaabtaas sharci ee sare ku xusan awgeed waxaa idinku wargelineynaa in:-
1. aan go’aamiyey in Banaan baxyadu qabsoomaa maalinka Khamiista 11/08/2022, laga bilaabo 7:00: Subaxnimo ilaa 12:00 Duhurnimo. kana Qabsoomaan Xarrumaha Xisbiyada Macaaradka ee lixda Gobol ee kala ah:-
b) Awdal Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani
t) M/Jeex Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani Macalin Haaruun.
j) Saaxil Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid
x) Togdheer Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid
kh) Sool Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani
d) Sanaag Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.
2. Waxaana ka reeban Banaan baxayaasha in ay ka gudbaan Xarumahaas loo cayimay ama loo xadidday.
3. Madaxda Labada Xisbi waxa lagu war-gelinayaa in ay ku ilaaliyaan Banaan baxayaasha Goobaha loo cayimay, hadii banaan baxayaashu ka gudbaan Goobahaas loo cayimay, Mas’uuliyadda Banaanbaxyaasha waxa Qaadi doonaa Madaxda Asxaabta Mucaaradka.
4. Waxaa la farayaa Taliska Ciidanka Booliiska JSL in Talaabo sharci ah ka qaadaan cidkasta oo Nabadgelyo daro ku kacda, kana baxda
5. Xayndaabka Goobaha loo cayimay, isla markaana in ay si buuxda u sugaan una ilaaliyaan Nabad gelyada guud ee goobaha loo cayimey.
b) in ay si Buuxda u sugaan Nabad g elyada Guud ee Dalka iyo Shacabka JSL.
t) Waxa la farayaa Dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka in ay fuliyaan Amarkaas Wasiirka gacan buuxdana siiyaan Ciidanka Booliiska.”
Weli waxa la sugayaa warka dhanka mucaaradka oo imika shir uga socdo Hargeysa, gaar ahaan guriga Cabdiraxmaan Cirro.