Abaabulkii ugu waynaa oo ka socda magaalada Hargeysa oo dibad-bax isu diyaarinaysa
Hargeysa. 8 August, 2022 (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa laga dareeemayaa abaabul xoogan iyo diyaar garoow ku wajahan dibad baxyada ay ku baaqeen Is-bahaysiga Somaliland, kuwaas oo lagu dalbanayo in doorashada madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto.
Xaafadaha New Hargeysa, Calaamadaha, iyo Maxamed Mooge ayaa laga dareemayay xalay abaabul ay wadaan dhalinyarada xaafaduhu iyadoo ay qorsheeyeen dibad bax balaladhan oo ay dhigaan maalinta Khamiista.
Xaafadaha Jigjiga Yar iyo Xero Awr ayaa iyagana ay salaadiinta deegaanku shaaciyeen in ay dibad baxi doonaan kana qayb qaadaan doonaan banaan baxyada badbaada Somaliland, arintaas oo keenaysa khalkhal ku yimaada booliska oo ka jeedsanaya labada degmo ee ay ahmiyadda saareen.
Xalay dhalinyarada xaafadahan waxay iskugu yimaade kulamo kala duwan oo ka dhacay maqaaxiyaha degmooyinkooda ku yaala, iyadoo kulanka ugu wayn oo kulmiyay boqllaal dhalinyaro ah uu ka dhacay Maamuus Hotel oo ku yaala bariga magaalada gaar ahaan xaafadda New Hargeysa.
Magaalada Hargeysa waxa laga qaaday ciidamadii badnaa ee taagnaa wadooyinka, iyadoo u muuqata in xukuumaddu ay muhiimadda saarayso maalinta Khamiista oo ay keenayso cidiamadii ugu badnaa abid kuwaas oo ka kooban booliska iyo unugayda RRU iyo SPU.
Qurbejoog wuxuu ogaaday in mcuaaradku qorsheeyay in ay is difaacaan hadii ay weeraro kala kulmaan dhanka ciidamada booliska, gaar ahaan ciidamada dhar cada ah oo la sheegay in ay kasoo jeedaan beesha madaxweyne Biixi iyo jufadiisa kuwaas oo lagu ballamiyo amdaxda iyo saxafiyiinta tabinaysa dibad baxyada.