|

Xukuumadda Somaliland oo aqbalaysa dibad-baxyada iyo shuruudo ay wadato

Hargeysa. 6 August, 2022 (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka hadasho mudaharaadada mucaaradka u qorshaysan, iyadoo la filayo in ay aqbasho.

Xogo ay Qurbejoog ka heshay xukuumadda ayaa sheegaya in kulan ay saraakiisha ugu muhiimsan xukuumaddu iskugu yimaadeen Guriga Madaxweynaha ay ku go’aansadeen in ay aqbalaan dibad baxa, balse ay kulan kale iskugu yimaadaan go’aanka ugu danbeeya ee ay qaadanayaan.

Xogaha ayaa sheegaya in xukuumaddu ay samaynayso goobo cayiman oo ay dadku ku dibad baxaan, kuwaas oo iyaga oo kaliya lagu mudaharaadi doono iyadoo magaalo kasta loo astayn doono meel gaar ah.

Xukuumadda ayaa ogaatay in aanay joojin karin dibad baxyada kadib kacdoono badan iyo abaabul socda, iyadoo ugu danbayn ay ku qanacday in ay ogolaato balse ay raaciso tilmaamo u gaar ah iyo shuruudo.

Comments are closed