“Sirdoonkii leexsanaa ee Hargeysa oo la xidhxidhay” Cabdiraxmaan Abees
Hargeysa. July 29, 2022. (QJ)- Dawladda Maraykanka oo saldhig milatari dawladda Somaliland ka siisay magaaladda Berbera, lana filaayo dhawaan in ay ciidamadooda keenaan Maraykanku, ayaa rabta in ay qiimayn iyo dib u eegis ku samayso ciidamada amniga Somaliland, gaar ahaan kuwa sirdoonka.
Xogta ilaa hadda aanu haynaa waxa ay sheegaysa in heshiiska dawladaha Maraykanka iyo Somaliland galeen aasaas u tahay in ay dawladda Maraykanku shuruud ay u tahay Somaliland hubinta xagga sirdoonka maddaama labada dal xagga difaaca iska lkaashanayaan.
Dawladda Maraykanka ayaa rabta in ay dib u fiiriso hay’adaha amniga ku lug leh si ay u ogaadaan in aanay gaysan gaboodfalo ka dhan ah xuquuqal iinsaanka.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu bilaabay sidii uu u soo gebgebayn lahaa sirdoonkii leexsanaa, taas oo loogu gogol xaadhayo sidii loola shaqayn lahaa dawladda Maraykanka. Si aanay qiimaynta ay ku samaynayso dawladda Maraykanku hay’adda sirdoonka Somaliland aannu u noqon mid sababa in uu hor istaago wada shaqaynta labadan dhinac.
Sidaa darteed, sirdoonkii leexsanaa waxa laba cisho ka hor la xidhay sagaal ka mid ah, iyada oo marmarsiinyo lagu xidho loo samaystay waxa ayna sagaalkani ka mid ahaayeen intii aan sidii uu doonayay u la shaqayn ama aan ugu hoggaansamin amarada
Taliye Axmed Muuse Biixi, oo o ah wiil uu dhalay Madaxweyne Muuse Biixi, intii uu joogay taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka Taliye Sablaale.
Sagaalkan la xidhay ayaa Taliye Axmed Muuse Biixi u gudbiyay maxkamadda ciidanka. Hase yeeshee maxkamadda ciidanka ayaa soo celisay markii hore, iyada oo cuskanaysa in aanay dadkani ka mid ahayn ciidanka Somaliland. Waxa se amar toos ah markii danbe siiyay Madaxweyne Muuse Biixi. Sidaas oo maxkamaddii ciidanku ku aqbashay in maxkamadda ciidanka la mariyo sagaalkan qof.
Sidoo kale waxa shaqada laga eryay intii ugu barnayd ee ka tirsanayd ciidanka sirdoonka leexsan, saddexdii maalmood ee u danbeeyay. Tirada guud ee sirdoonka leexsan baa xogta aanu hayna sheegaysa in ay ahaayeen inta u dhexaysa toddoba boqol ilaa sagaal boqol oo qof, kuwaas oo isagu jira rag iyo dumarba.
Sirdoonkan leexsan ayaa inta ugu badani ay mushaharka iyo dhaqaalaha ay ka heli jireen Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo uu maareeye ka yahay Maxamed Cali Daarood. Iyada oo ay jiraan laba meelood oo kale oo qaarkood mushaharkoodu ku qornaa.
Arrimaha aan la yaabay ee qayayaabka igu riday waxa ka mid ah sida dadkii iyo bulshadii loo naafeeyay, oo aanay dhanaba inoo fayoobayn, waxa sirdoonka leexsan saraakiishooda ka mid ah dad aanad ka filan karin. Madaxa jidh dilka iyo ciqaabta sirdoonka leexsan waxa la mid ah abwaanno caan ah oo aanad sinaba haddii laguugu sheego aanad u qaadan karin. Kuwaas oo inta ay wajiga iyo madaxa ay wax ku duubtaan dadka jidh dil ku samaynaaya, iyaga oo ulo sita. Ciddiyaha haddaydaan gurin argagax iyo lama filaan darteed waa aad bad-qabtaan wallee.
FG: Walaal intan dedaal iyo waqti aan geliyay baan ku keenay, haddii aanad igu kalsoonayn aniga caddayn ha i soo weyddiin ee fadlan anba mushahar iyo aduun kuma qaadane inta aan huray in leeg bixi, oo adigu igu beeni caddaymaha aad soo hesho. Haddii aanad inta hurayn anigana aanad igu kalsoonayn waa been iyo run midna ha i odhan hana u qaadan, ee waqtiga sug inta uu ku caddaynayaayo.
QORAALKAN WAXA FAAFIYAY ABWAAN/QORAA CABDIRAXMAAN ABEES OO SI DHOW ULA SOCDA SIRDOONKA LEEXSAN EE SOMALILAND.