Salaadiinta beesha Subeer Awal oo go’aan Muuse Biixi ka dhan ah shaacinaya
Hargeysa (QJ)- Salaadiinta beesha Subeer Awal ayaa la filayaa in maalinta berri ee Isniinta ay kulan warbaahineed ballaadhan ku qabtaan magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku caddaynayaan in beeshoodu aanay madaxweynaha Somaliland kula socon aragtiyaha uu qabo iyo go’aanada uu ku taagan yahay ee doorashooyinka.
Qurbejoog waxay xog ku heshay in illaa 30 salaadiin iyo cuqaal iskugu jirta oo dhammaan kasoo jeeda beesha Subeer Awal ay shirka jaraa’id kasoo xaadiri doonaan, waxayna iska fogayn doonaan in ay Muuse Biixi kula socdaan mawqifyadiisa imika ee muranka dhaliyay.
Dhanka kale, maanta ayay ahayd markii gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland uu shaaciyay in madaxweynaha Somaliland diiday in uu wax kalsooni ah siiyo taas oo horseed u noqotay burburka wada hadalada u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland.
Hadalka salaadiinta Subeer Awal oo ah beesha uu kasoo jeedo madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in ay weji gabax ku noqoto madaxweynaha, isla markaana lumiyo taageerada beeshiisa iyadoo horeba beesha kale ee sida wayn ugu codaysay ee Habarjeclo ay uga baxeen xisbiga Kulmiye.