Musharax Ciro oo Waddani usoo jeediyay in tartanka ururada laga qeybgalo
Hargeysa(QJ) – Musharaxa Madaxweyne ee Waddani ayaa madaxda sare ee xisbigaa u soo bandhigay in laga qeybgalo tartanka ururada.
Sida laga soo xigtay dad goobjoog ahaa kulankii shalay madaxda xisbiga Wadani ay ku yeesheen magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Musharraf Cabdiraxmaan Ciro soo bandhigay fikirkan oo sababay amakaag Iyo filan Waa.
Axsaabta mucaaridka ayaa sidoo kale iyaga oo heysta aqlebiyada shacabka ku dhiiran waayay in ay Madaxweyne Muuse Biixi ka hor yimaadaan damaciisa mudo kororsi iyo burburinta ururada sharciyada heysta.
Goaanka musharax Ciro ayaa imanaya culeys dhaqaale iyo caadaadis siyaasadeed dib, sida ay sheegeen ilo ka agdhow musharaxa.
Waxa maalmihii u danbeeyay jiray kulano ujeedo badana oo musharaxa looga codsanayay in isagu dalka badbaadiyo oo uu tanaasulo, mar hadii madaxweynihii uu diiday ergooyinkii waanwaanta waday.
ilahan ayaa intaa raacinaya in soo need inta musharaxa Waddani aaney aheyn goaan kama danbeys ah, belse aaney soo dhaweyn doonin taageereyaasha uu mudada ka hortaagnaa mudaharaadyada salmiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Waxa saacadaha inahaya la filanayaa in xogo dheeri ahi ka soo bax aan xisbiga Waddani oo ari kan ku saabsan.
Halkan kala socda wixii soo kordha.