|

Salaadiinta beelaha Garxajis iyo Habar Awal oo Hargeysa ku shiraysa

Hargeysa (QJ)- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa ka socda shir ballaadhan oo u dhexeeya salaadiinta beelaha Garxajis iyo Habar Awal oo ah labada beelood ee dad iyo deegaan ahaanka ugu ballaahdn beelaha Somaliland wada dega, iyadoo shirkooda albaabadu u xidhan yihiin.

Shirkan ayaa imanaya iaydoo shalay lagu akal akcay ama uu bururay wada hadalkii u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo sidoo kale mucaaradka dalka, wada hadalkaas oo lagu xalinayay khilaafka ka taagan siyaasadda Somaliland gaar ahaan qabsoomida doorashada ururada iyo wakhtiga ay dhacayso.

Xogo uu helay Qurbejoog waxay muujinayaan in ay labada beelood saareen guddi ka kooban labada dhinac si ay uga hadlaan xaaladda murugsan ee Somaliland ay gashay wakhtigan, isla markaana ay dhankooda xal raadiyaan.

Arinta caqabadda ku ah ayaa ah madaxwyenaha Somaliland oo hore ay dagaalo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan u wada galeen salaadiinta beeshiisa kuwaas oo aanay imika heshiis ahan, inagoo ka xusi karna suldaanka guud ee beesha Habar Awal oo dhawaan uu khilaaf cirka isku shareeray dhex maray isaga iyo madaxweynaha. Waana arinta caqabada ku ah in la waayo cid kasoo jeeda beesha madaxweynaha oo isaga qabata ama uu ku kalsoonyahay.

Wararka kasoo kordha kulamada kala soco Qurbejoog oo isha ku haya.

Comments are closed