Mucaaradka Somaliland oo wada abaabul xoogan iyo madaxweyaha oo la filayo in uu hadlo
Hargeysa (QJ)- Somaliland waxa laga dareemayaa abaabul xoogan oo ay wadaan mucaaradka Somaliland taas oo ay kaga jaawabayaan burburka ku yimi wada hadalada xukuumadda ay la lahaayen oo natiijo la’aan ku dhammaaday shalay.
Xogo uu helay Qurbejoog ayaa muujinaya in labada xisbi ay wadaan abaabul wada jir ah iyo mid gaar gaar ah oo ay la leeyihiin taageerayaashooda, iyadoo illaa xalay ay socdeen la tashiyo badan oo ay samaynayaan kuwaas oo ku aadan go’aanka ay qaadanayaan.
War saaka kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa lagu yidhi:
“Si loo helo Somaliland ah qaran nabada oo leh nidaam dawladeed shuruucda iyo xeerarku hagaan, waxa aannu muujinnay dulqaad aan mararka qaarkood xaq lanoogu lahayn, waxa aannu aqbalnay in mudanta iyo haldoorka qaybaha kala duwan ee ummadani ay xal nala raadiyaan, taas oo aannu ku galnay wadahadallo aannu ognahay natiijo la’aanta ay ku dhammaanayaan.
Waxaas oo dhan waxa aannu ku galnay dhowrista MAANDEEQ oo aannu ognahay, in soo dhicinteedii rafaad badan loo maray, waxa aannu ku rejo qabnay in mar uun caqli shaqayn doono oo la garawsan doono wada lahaanshiyaheeda.
Nasiibdarro waxaa hor-iyo-daba-diid noqday, nin aan aragti fog lahayn, fikirkiisuna aanu dhaafi karin kursiga hortiiba xoog lagu haysan kari waayey.
Waxaa caddaatay in ayaandarrada haysata maandeeq ay tahay ninkii isagu dheefteedana keli ku ahaa oo haddana doonaya in uu bahalaha u baylihiyo. Haddii aannu in badan ka hor taagnaynna, maanta waa aanu la qaadannay, karis xun Iyana ku wax la.
Taageereyaasha xisbigana waxa aanu u sheegaynaa in ay u diyaar garoobaan go’aan qadhaadh.”
Hadalkan ayaa muujinaya kala fogaanshaha labada dhinac iyadoo xukuumaduna ay ku taagan tahay mawqifkeeda hore ee furista ururada iyo doorashadooda oo dhacaysa bilaha soo socda.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu maanta ka hado arintan isagoo ka qayb galaya xaflad loo qabanayo dufcad kale oo ka mid ah shaqo qaran, taas oo ka dhacaysa deegaanka Dararweyne ee duleedka Hargeysa.