Wada-hadaladii xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka oo burburay
Hargeysa (QJ0- Wada hadaladii u dhexeeyay xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye oo dhan ah iyo mucaaradka Somaliland oo dhinac ah iyaguna ayaa burburay, iyadoo aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay kulamada ay la yeesheen dhinacyada.
Burburka wada hadalada ayay sabab u ahayd madaxwyenaha Somaliland oo diiday in uu kalsoonida siiyo dhinacyada dhexda ahaa ee dhexdhexaadinayay labada dhinac, isagoo sheegay in aanu kalsooni siinahayn.
“Saaka waxaanu u tagnay labadii gudoomiye ee uu madaxweynuhu doortay in ay na dhex dhexaadiyaan, oo shalay ay is arkeen. Maxaad noo haysaan ayaanu nidhi waataanu kalsoonida idin siinee. Waxay noogu jawaabeen anaga madaxweynuhu kalsooni nama siinin, wuxuu yidhi sharci baan ilaalinayaa. Afkiisa markaa wuxuu naga yidhi gudoomiyaha Guurtidu, waxaanu idiin haynaa ma jirtee tashada. Markaa waanu tashanaynaa” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Xuseen.
Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in Somaliland ay cagta saartay kala-baydh halis ah oo sababi kara xaalado amni daro iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ay wajahdo Somaliland.