|

Diyaarad ku burburtay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Muqdisho (QJ)- Diyaarad ay leedahay shirkadda Jubba Airways ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde, iyadoo aanu jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburka.

Shilka diyaaradda ayaa dhacay xili ay soo caga dhiganeysay dhabaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in lasoo badbaadiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada oo ahaa 33 ruux oo ay kasoo qaaday magaalada Baydhabo, islamarkaana aysan jirin khasaare dhaafsiisan burburka ku yimid diyaarada rakaabka ah ee ka midka aheyd diyaaradaha shirkadda Jubba Airways.

Waaxda dab damiska oo gaadhay gudaha garoonka ayaa goordhaw ku guleystay iney damiyaan dabka ka kacay diyaarada, mana jiro wax war ah kasoo baxay hay’adda Duullista Rayidka iyo maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaase lagu wadaa in ay war kasoo saaraan saacadaha soo socda.

Comments are closed