Laba qodob oo kasoo bixi kara heshiiska xukuumadda iyo mucaaradka ee Isniinta
Hargeysa (QJ)- Maalinta berri ah waxa la filayaa in uu dhaco wejiga ugu danbeeya wada hadalka u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka, kaas oo nooqnaya mid lagu heshiiyo ama mid hor seed u noqda hubanti la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo Somaliland cagaha la gasho 30 sanno oo ay nabad ku faanaysay kadib.
FAALADA QURBEJOOG
Faalada Qurbejoog ee kulanka berri waxay tilmaamaysaa in ay u badan tahay laba qodob mid kood in la isla qaato ama ay kasoo baxdo natiijo ahaan kulanka qorshaysan.
1. Muddo-kordhin
Muddo-kordhintu waa go’aan ka mid ah laba go’aan oo ay suurtagal tahay in berri ay shaaciyaan gudiyada dhex dhexaadinta wada ee ku kala dhex jira xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland. Muddo-kordhintu waxay noqonaysaa in la kordhiyo muddo xileedka madaxweynaha iyadoo sidoo kale la kordhinayo mudada liisanka ee xisbiyada, taas oo dhinacyadu ay ku wada qanci karaan maadaam mucaaradku diidan yihiin doorashada ururada oo kasoo horaysay doorashada madaxweynaha halka madaxweynuhuna raadinayo muddo kordhin sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo madaxtooyada Somaliland u dhuun daloola.
Qurbejoog wuxuu ogaaday in dhinacyadu xalka kaliya ay hayaan ay tahay muddo kordhin isla markaana aanu jirin go’aan kale oo lagu wada qanci karo iyadoo hadii hal doorasho lasoo horaysiiyo ay qolada kale caqabad ku tahay.
2. Wada-hadalada oo burbura
Arinta kale ee berri la filayo ayaa ah in wada hadaladu ay gabi ahaanba burburaan hadii dhinac uu ku qanci waayo natiijada ama la isku fahmi waayo waxa lagu heshiinayo. Arintan waa mid ay saadaalinayaan dad badan oo u dhuun daloola siyaasadda Somaliland, iyadoo horseed u noqon karta huabnti la’aan siyaasadeed iyo mid amni oo Somaliland ay cagaha la gasho. Waxa yar suurtagalnimada ay mar danbe wada hadal ku dhici karo hadii burbur ku yimaado wada hadalkan waxaana laga cabsi qabaa dagaalo sokeeye oo Somaliland ay dib ugu laabato, iyadoo saamaynta qabyaaladu ay korodhay sanadihii lasoo dhaafay gudaha Somaliland.