|

Kulanka Guud ee xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland oo baaqday

Hargeysa (QJ)- Maanta waxa lagu waday in magaalada Hargeysa uu ka dhaco kulanka ugu danbeeya ee wada hadalka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo dhan ah iyo mucaaradka Somaliland oo dhan ah iyaguna,  balse kulanka ayaa baaqday.

Baaqashada kulanka guud ee natiijada agu gaadhi lahaa maanta ayay sabab u tahay geerida AHU Sheekh Aadan Siiro oo lagu aasayo Hargeysa maanta iyadoo maydkiisa laga keenay dalka Hindiya.

Qorshaha ayaa ahaa in maanta la gaadho natuujo kama-danbays ah kadib marka ay dhinacyadu isu dhagaystaan doodahaa labada dhinac iyo qodobadii ay hore usoo ban dhigeen. Dhammaan ergadi dhex dhexaadinta ayuu qorshuhu ahaa in ay maanta timaado, waxa a mid ah labada gudoomiye ee baarlamanka Somaliland ama Wakiilada iyo Guurtida, iyo dhinacyada doodu dhex taalay.

Maalinta berri ee Isniinta ayaa la filayaa in uu dhac kulanka guud ee wada hadalada lagu soo xidhayo iyadoo uu ka qabsoomi doono Madaxtooyada Somaliland, halkaas oo dhinacyada oo dhammi ay gelinka hore ka xaadiri doonaan.

Comments are closed