|

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo faahfaahinta

Koonfur Afrika (QJ)- Magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika waxa lagu dilay ganacsade Soomaali ah iyadoo xili habeenimo ah ay xalay weerareen budhacad hubaysani.

Ganacasadaha Soomaaliyeed ee lagu dilay dalkaasi Koonfur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cali, waxaana budhacad ay ku dhex toogteen gudaha dukaankiisa oo ku yaalay xaafada New Brighton oo ka tirsan magalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed kadib waxaa goobta gaadhay ciidamo ka ka tirsan Booliska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sida caadada u aheyd sameeyay baadhitaano kooban oo la sheegay ineysan kasoo bixin wax natiijo ah, maadama buhdacada ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ka hor inta aysan ciidanku tagin.

Koonfur Afrika waxaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhaayay dilalka iyo beegsiga lagu haayo ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo dowladda dalkaasi mar walba ay sheegto iney wax ka qabaneyso dhibaatada iyo dilalka lagu hayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi u ganacsi tagay, hadana ma muuqato wax isbadal ah ama ficil ah oo ay dowladda dalkaasi sameysay.

Shalay ayay aheyd markii ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town ay xadhig iyo jidhdilo xoogan ay kala kulmeen ciidamo ka tirsan kuwa dalka Koonfur Afrika oo u xil saarana sugitaanka amaanka dadka ajaaniibta ah, hayeeshee iyagii amniga loogu talo galay ay bilaabeen dhibaateynta dad ajaaniibta ah oo markii horeba ku dhib qabay buhdcada hubeysan ee u dhalatay dalkaasi.

Comments are closed