Xogta Muuse Biixi oo la kulmaya ururada
Hargeysa (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in uu la kulmo madaxda ururada siyaasadeed ee dhawaan Somaliland lagaga dhawaaqay, sida ilo ku dhow Madaxtooyada Somaliland ay u xaqiijiyeen Qurbejoog.
Muuse Biixi ayaa kulankan la sheegay in uu dhammaan ku casuumay ururada la shaaciyay illaa hadda, iyadoo hore uu ula shiray ururo gaar ah oo aan la ogayn waxa uu uga dhex doortay ururada badan ee illaa hadda Somaliland lagaga dhawaaqay.
Xogaha aanu helayno ayaa sheegaya in kulankani uu noqonayo mid is barasho oo madaxda ururada ay ugu horayn isku arkayaan, marka danbana iska xog waraystaan caqabadaha ku gedaaman doorashada ururada oo muran ka taagan yahay. Waxa kale oo aanu xogta ku helnay in Muuse Biixi rabo in uu qanciyo ururada oo tabasho badan ka qaba isla markaana aaminsan saamaynta ay ku yeelanayso hadii ay heshiiyaan xukuumadda iyo mucaaradku.
Illaa hadda, waxa loo dheg taagayaa ajandaha rasmiga ah ee madaxweynaha, waxaana wararka kasoo kordha aad kala socon doontaan Qurbejoog oo si dhow ula socda kulankaas.