Baarlamanka Puntland oo diiday dib-u-magacaabista Deni ee hoggaanka Maxkamadda Sare
Garoowe (QJ)- Baarlamanka maamulka Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiddey dib-u-magaacbista Hoggaanka Maxkamadda-sare oo dhowr beri ka hor markii la ansixin waayey uu dib-u-magacaabay Madaxweyne Deni.
Cod Barlamanku qaadey ayaa 30 kamid ah diidey dib u soo celinta guddiga Maxkamada sare ee Madaxweynaha, 3 xubnood ayaa ka horyimid halka 7 xildhibaana ka aamuseen, sida gudoonka baarlamaanka ay ku dhawaaqeen.
Goluhu waxay sharci-darro ku tilmaameen in madaxweynuhu soo saaro wareegto iyada oo aan loo gayn qoraalka rasmiga ah ee kalsooni-kalanoqoshada Maxkamadda-sare.
Barlamanka Puntland ayaa guddi u saarey ka soo baaran-daga khilaafkaan kadib diidmadoodii Hore iyo dib u soo magacabistii gudigaan ee madaxweynaha inta uusan ka dhoofin Magaalada Garowe.
Si kastaba ha ahaatee, Mas’uuliyiinta Maxkamadadda-sare oo uu ku jiro Guddoomiyaha Mr.Taaraan ayaa muddo ku shaqaynaya xasaanad la’aan.