|

Dalab uu Muuse Biixi sheegtay iyo mucaaradka oo diiday

Hargeysa (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta shaaciyay in uu rabo wada hada ay u kaliyaystaan xisbiyada mcuaaradka, iyadoo aanay jirin dhinac kale oo dhex fadhiya kulamada.

Muuse Biixi wuxuu sheegay in kulamada danbe ee ay yeelanayaan xukuumadda iyo mucaaradku ay u gooni ahaadaan, gaar ahaan isaga iyo labada murashax ee kale ee xisbiyada mucaaradku, xili imika ay jiraan guddi isu xilqaantay hawshaa oo fududaysay kulan maanta Hargeysa ku dhex maray xukuumadda iyo mucaaradka.

Mucaaradka Somaliland gaar ahaan gudoomiyayaasha UCID iyo WADDANI iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa diiday arintaas, iyagoo ka dalbaday guddida dhexdhexaadinta in ay goob joog kasii aahaadaan kulamada danbe “si hadii ay qaldan yihiin loo qabto, hadii uu madaxweynuhu qaldan yahayna loo qabto.’

Arintan ayaa muujinaysa heerka ay weli kala taagan yihiin labada dhinac ee xukuumadda iyo mucaaradku, waxaana laga war sugayaa kulamada danbe ee dhinacyadu ku balameen maalinta Salaasada ee todobaadka danbe.

Comments are closed