|

Natiijada wada-hadalada xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa (QJ- Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa maanta ka dhacay kulan ay yeesheen xukuumadda iyo mucaaradka, iyadoo uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhinacyada dhex mara tan iyo markii ay xiisadda siyaasaddu kululaatay.

Kulanka waxa kasoo qayb galay madaxweynaha iyo ku xigeenka Somaliland, masuuliyiin ka kala socota xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga Kulmiye, iyo ergadii dhex dhexaadinta waday.

Waxa laga wada hadlay khilaafka taagan iyo sidii xal looga gaadhi lahaa iyadoo xudduntu tahay goorta ay dhacayso doorashada ururada ee ay kusoo baxayaan xisbiyada Somaliland.

Qodobka ugu muhiimsan ee kulanka kasoo baxay wuxuu ahaa in la iskugu yimaado kulan kale oo dhici doona marka ay baxdo Ciid alAdxa, gaar ahaan maalinta Salaasada ee todobaadka danbe, iyadoo lasii wadi doono wada hadalada. Kulankaas ayaa la filayaa in lagaga hadlo arimaha xasaasiga ah ee kiciyay xiisadda ka taagan Somaliland iyo in ay dhinacyadu isku soo dhawaadaan.

Comments are closed