Xukuumadda Somaliland oo Sheekh Dirir ku tilmaantay “Qaran-dumis”
Hargeysa (QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dad u dhashay Somaliland oo xajka ka tegay deegaanada Puntland iyo sidoo kale magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xili Somaliland ay diiday saamiga ay Soomaaliya ka siisay xujayda sanadkan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo arintan ka hadlay ayaa dadkaas ku sifeeyay “qaran-dumis” iyo in ay khiyaameeyeen dalkooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dadka uu qaran-dumiska ku sifeeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa ka mid ah Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada ugu waawayn dhulka Soomaalida iyo Bariga Afrika, isagoo sheekhu ka dhoofay magaalada Garoowe, halkaas oo uu xajka ka tegay sanadkan.
Somaliland ayaa ku gacan saydhay saamiga ay Soomaaliya u qoon daysay dadka ka xajaya Somaliland, kadib qoondada Sucuudigu siiyay xujjayda Soomaaliya, waxayna xukuumaddu ku baaqday in dadka Somaliland aanay tegin xajka maadaama saami yar la siiyay.