|

Meesha ay marayso dhex dhexaadinta xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland

Hargeysa (QJ)- Gudida dhex dhexaadinta ka dhex wada mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaa maanta la shiraysay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyadoo uu yahay kulankii ugu horeeyay ee ay madaxweynaha la qaadanayaan tan iyo markii ay iska dhex doorteen guddi gaar ah.

Gudidani waxay ka kooban tahay ergadii is xilqaantay iyo xubno Golaha Guurtida ah, waxayna shalay iska sii dhex doorteen xubbno shir guddoon ah oo meteli doona, isla markaana gaar ula shiraysa dhinacyada ay dhex dhexaadinayaan.

Labada dhinac, Xukuumadda iyo Mucaaradka, waxay ka war sugayaan go’aanada ay gudidu soo saaraan iyo soo jeedinta ay sameeyaan kadib marka ay soo af jaraan kulamada ay la leeyihiin dhinacyada is haya imika.

XUDDUNTA KHILAAFKA TAAGAN

Khilaafka Somaliland ka jira waxa sal u ah goorta ay dhacayso doorashada ururada ee ay kusoo baxayaan xisbiyada qaranku, taas oo aan weli xeerkeeda la samayn maadaama ay tahay in imika si toos ah loo soo doorto oo aanay jirin doorasho golo deegaan oo mar lala qabto sidii hore u dhici jirtay.

Xukuumadda ayaa aaminsan in doorashada ururada la qabto ka hor doorashada madaxtooyada, halka Mucaaradku ay qabaan in doorashada ururada la qabto kadib doorashada madaxtooyada ee ku muddaysan 13 November, 2022.

Comments are closed