|

Deni oo caddeeyay mawqifkiisa xukuumadda Xasan Sheekh oo khilaaf laga faafiyay

Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya Siciid Cabdilaahi Deni ayaa markii u horeysay ka hadlay cilaaqaadka madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barro, xili la hadal hayay inuu jiro khilaaf ka dhexeeya dawladda cusub.

Madaxweynaha ayaa si cad wuxuu u balanqaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub Xamsa Cabdi Barre kaasoo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro.

“Waxaan caddayanaya in aan la shaqaynayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Federaalka, Dowladda Muqdisho,” ayuu carabka ku adkeeyay madaxwayne Saciid Deni.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhinaca kale sheegay inaanu jirin wax qoomamo ah uu ka qabo ololihii cuslaa uu u galay xilka madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha uu soo waayay, isagoo wixii dhacay ku soo koobay Qadar dhanka Alle ka yimid.

“Wixii dhacay ka shallaayi-meyno iskuna canaanan mayno Qaddar Eebbe ayey ahayd duruufahaas kala duwan ee lasoo maray, Dowladdeennu waxay wali gaabis ka tahay adeeggii loo geysan lahaa bulshada Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Saciid Deni ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in aan wax wadatashi ah lagala sameyn magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo kasoo jeeda Jubbaland, isagoo walaac ka muujiyey arrintaasi, wuxuuna ku faanay inuu kaalin weyn ku lahaa doorashadii uu Xasan Sheekh ku soo baxay 15-kii May.

Comments are closed