Badi salaadiinta beesha Arab oo diiday kulan Muuse Biixi ugu yeedhay
Maanta magaalada Hargeysa waxa ka dhacay kulan ay yeesheen madaxda dhaqanka ee beesha Arab iyo madaxweynaha Somaliland, kaas oo uu dalbaday Muuse Biixi.
Badi madaxda dhaqanka ee sida rasmiga ah ugu talisa beesha ayaa ka cudur daartay in ay tagaan madaxtooyada Somaliland, kadib Muuse Biixi oo shantii sanno ee uu xilka hayay aan hore ula kulmin balse imika raba in uu arko xili muddadu ka dhamaanayso.
Afar suldaan oo ka kid ahaa 5 suldaan oo lagu casuumay kulanka ayaa saaka ka cudur daartey kulankaas .
Afartan suldaan ayaa kala ah:
1.Ugaas guud ee Arab .
2. Suldaan Xussen .
3. Suldaan Kayse Bade .
4. Suldaan Xuseen Cabdiqaadir .
Kulankan waxaa ka qeyb galay dhinac madax dhaqameedka 6 caaqil oo kaliya.
Dhanka kale, waxa xusid mudan in dalka ay ka maqan yahiin salaadiintii Beesha Arab oo kala ah:
1. Sul. Cabdiraxmaan , Sul Cumar , Sul.Maxamed .
2. Sul. Barre Xaaji Xussen .
3.Boqor Maxamed Boqor Ciise.
Waxa la sheegay in Muuse Biixi aanu wax sooryo ah siinin odayaasha, kadib markii uu ka dhex waayay dadka ay ka go’ayso talada Arab oo diiday kulankiisa.
Arintan ayaa madaxweynaha niyad jab ku ah kadib culaysyo uu wajahayo iyo xiisad siyaasadeed oo taagan.