|

Diyaaradaha Soomaaliya oo joojinaya duulimaadyada gudaha

Muqdishu (QJ) – Maamulada diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay joojinayaan dhammaan duulimaadyada ay ku tagaan gudaha Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Sababta ay shairkadaha Duulimaadyadu tilaabadan u qaadeen ayaa ah cabasho ammaan oo ay qabaan diyaaraduhu, gaar ahaan marka ay ka degayaan gobolada Soomaaliya oo maamuladu diidaan hadii ay sidaan qof aan maamulkaasi ogolayn.

Geesta kalena, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay iney jirto wax khatar ku ah amniga diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka, iyadoo ay jirto walaac ku aadan shaqo joojin ay ku dhawaaqeen diyaaradaha gudaha.

Hay’ada ayaa lagu sheegay iney mas’uul ka yihiin badqabka dhamaan duulimaadyada iyo Garoomada Dalka, iyadoo been abuur ku sifeysay eedo uga yimid madaxda shirkadaha diyaaaradahaha, kuwaasoo sheegay ineysn amaan eheyn garoomada maamul goboleedyada.

Lama oga sida goaankani u saameyn karo Somaliland oo duulimaadyada qaar ay la socdaan shakhsiyaad aan Hargeysa laga ogoleyn, isla markaana ciidamadu xabsiyada dhigaan.

 

Comments are closed