Ingiriiska “oo joojiyay taageerada Booliska Somaliland”
Dawladda Ingiriiska ayaa taageerada ka joojisay ciidamada booliska ee Somaliland kadib mudaharaadkii todobaad ka hor Hargeysa ka dhacay oo tacadiyo ay gaysteen boolisku, sida ay sheegayaan xogo laga helay xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo xukuumadda Somaliland.
Ingiriiska ayaa ka cadhooday qaabka ay booliska Somaliland ugu tacadiyeen muwaadiniin si salmi ah u dibad baxaya, iyagoo amar ka haysta xukuumadda iyo taliyaha booliska.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Safaaradda Ingiriiska iyo Booliska Somaliland.
Khubarada ayaa inta badan ku baaqda in dib u habayn wayn lagu sameeyo booliska Somaliland oo aan haysan tababar ku filan si ay dadka ula macaamilaan, balse xukuumadda ayaa iska dhego marisa.