|

Mucaaradka oo mar kale walaac u gudbiyay Beesha Caalamka

Mucaaradka Somaliland waxay mar kale walaac xoogan u gudbiyeen Beesha Caalamka, kadib kulano ah Hargeysa kula qaateen.

Masuuliyiinta ugu saraysa mucaaradka Somaliland ayaa Hargeysa kulamo gaar gaar ah kula qaatay danjiraha Finland oo ay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo muranka taagan.

Xogo aanu kulamadan ka helnay waxay sheegayaan in xisbiyada mucaaradku ay walaac wayn u gudbiyeen danjiraha, iyadoo walaacoodu dhanka ammaanka ku qotomay.

Mucaaradku waxay sheegeen “in madaxweynaha Somaliland aanu ogolayn doorashada madaxtooyada, taasina ay keenayso khal khal amni iyo mid siyaasadeed.

Comments are closed