|

Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland oo xaqiijiyay in la jirdilay madaxda xisbiyada ee xiran

Hargeysa (QJ) – Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in madax ka tirsan xisbiyada Qaranka iyo Suxuufiyiin dhawaan laqabqabtay lagu jir dilay guddaha xabsiga Hargeysa.

Komishanka ayaa sheegay in madaxda xisbiyada iyo suxuufiyiinta laga qabqabtay isu soobax salmi ahaa oo ka dhacay Hargeysa bishan June 9keedii.

Policeka Somaliland ayaa dafiray in ciidamadu jirdil iyo raasaas nool ay ku rideen shacabkii mudaharaadayay.

Ilaa 14 ruux oo isugu jira madax ka tirsan xisbiyada qaranka iyo laba suxuufi oo la qabtay xili banaabax salmi ahi uu ka socday Hargeysa ayaa maxkamadi shalay ku riday xukum rumaan ah oo xabsiga loogu sii haynayo mudo 7 casho ah.

May be an image of text

Comments are closed