Cirro oo ka guuray gurigii uu Hargeysa ku lahaa iyo sababta
Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa ka guuray gurigii uu Hargeysa ku lahaa oo ku yaalay xaafadda Pepsi oo aan ka fogayn kaamboolka ay hay’adaha dawladdu ku jiraan iyadoo ay jiraan xeryo milatari oo ka ag dhow halkaas.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) wuxuu u guuray imika xaafadda Hodan Hills ee New Hargeysa oo ah dhanka bari ee magaalada isla markaana mucaaradku u xoogan yihiin, degaanna dadka ay isku haybta yihiin murashax Cirro.
Qurbejoog ayaa la hadashay qaar ka mid ah kaaliyayaasha Cirro iyagoo noo xaqiijiyay in sababtu ay tahay ammaanka murashaxa oo halis galay kadib markii ay ogaadeen shirqoolo ka imanaya dhanka xukuumadda, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Dhanka kale, waxa jira ciidamo dheeraad ah oo la keenay guriga murashaxa Cirro iyadoo is-goyska looga leexdo guriga cusub ee uu degay lagu arkayo ilaalo badan oo joogto guriga hor tiisa.
Soamliland ayay ka jirtaa xiisad culus oo ku aadan qabashada doorashada madaxtinimada ee 13 November, 2022.