|

Masuuliyiintii iyo saxafiyiintii Hargeysa ku xidhaa oo maxkamad la hor keenay

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa ayaa maanta la hor keenay saraakiil ka tirsan mucaaradka Somaliland iyo laba saxafi oo xukuumadda Somaliland ay ka qabatay maalintii Khamiista ee todobaadkii hore mudaharaad ka dhacayay magaalada Hargeysa.

Maxkamaddu waxay go’aamisay in 7 maalmood oo rummaan ah ama xabsi-kusii-hayn ah loo jaro dadkaas xukuumadda madaxweyne Biixi u xidhan, iyadoo dib loogu celiyay xabsiga.

Masuuliyiin ka tirsan mucaaradka Somaliland ayaa xadhigan ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan la qbali karin, isla markaana baal marsan sharciga iyadoo dadkani ay muddo dhaafeen wakhtigii lagu hor keeni lahaa maxkamadda.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland uu dalbaday in la sugo inta uu ka imanayo magaalada Ceerigaabo si madaxdaas iyo saxafiyiinta loosii daayo, balse ay dhicin xili uu shalay kasoo laabtay safar uu ku tegay bariga Somaliland.

Mucaaradka ayaa la filayaa in ay mar kale ku dhawaaqaan dibad bax ay ka hakiyeen ergo iskeed isku xilqaantay oo dhex dhexaadin ka waday xukuumadda iyo mucaaradku.

Comments are closed