Maxkamad amartay in xabsiga lagu sii hayo masuuliyiintii xukuumada u xirnaa
Hargeysa (QJ) – Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta markii ugu horraysay la horkeenay mas’uulliyiinta mucaaradka oo xabsiga ku jiray mudo todobaad ah.
Masuuliyiintan ayaa xabsiga la dhigay ka dib kolkii ay ka qeyb qaateen mudaharaad salmi ahaa oo Khamiistii hore Hargeysa ka dhacay.
Sidoo kale laba ka mid ah suxuufiyiin soo tebinayay dibed baxa oo xabsiga la dhigay ayaa iyagana maanta maxkamada la horkeenay.
Maxkamadda ayaa madaxda axsaabta iyo labada suxuufi u jartay 7 maalmood oo Rumaan ah.
Maxakamada ayaan wax sharaxaad ah ka bixin goaanka rumaanka ee ay u jartay masuuliyiinta.
Ergo dhexdhexaadin waday ayaa la sheegay in ay madaxweynaha ka codsadeen sii deynta masuuliyiinta iyo shacabka xabsiga lagu hayo.
Goaanka maxkamada ayaa dib u soo nooleynaya xiisadii siyaasadeed ee dalka iyo in mudaharaadyadii dib loo bilaabi doono dhowaan.
Axsaabta mucaaridka iyo xukuumada Madaxweyna Muuse Biixi ayaa isku maandhaafsan qabashada doorashada madaxtooyada