|

Raiisul wasaaraha cusub oo la hambalyeeyay

Muqdishu (QJ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa hambalyo u diray Mudane Xamse Cabdi Barre oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Ra’iisul Wasaraaha Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajaynayaa in uu Eebbe u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo magacaabay, aniga oo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka codsanaya in ay codkooda kalsoonida siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad sii ambaqaadda horumarka dalka ka socday”.ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubaland lana soo shaqeeyay Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isna dhankiisa hambalyo u diray Xamze Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u diraya Xildhibaan Xamze Cabdi Barre oo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, u magacaabay Ra’iisal Wasaaraaha Xukuumadda JFS” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

madaxda maamulgoboleedyada kale ee Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug ayaa hambalyo u diray raisul wasaaraha cusub.

Comments are closed