|

Xogo aanu ka helnay abaabul ay wadaan mucaaradka Somaliland

Hargeysa (QJ) – Mucaaradka Somaliland waxay mar kale wadaan abaabul xoogan oo ay ka wadaan dhammaan lixda gobol ee dalka, kaas oo lagu rabo in lagu qabto mudaharaado lagu taageerayo isu soo baxyo lagu taageerayo hanaanka dimuqraadiyada.

Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa tibaaxaya niyad-jab wayn oo ay mucaaradku ka filayaan dhanka madaxweyne Biixi kadib khudbadii uu ka jeediyay magaalada Ceerigaabo, oo uu ku xaqiijyay mowqifkiisa dhabta ah ee ku wejahan burburinta xisbiyada iyo damaciisa mudo kordhiska.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu cadeeyay in doorashada ururadu ay kasoo horaynayso doorashada madaxtooyada, arintaas oo ahayd xuddunta khilaafka taagan.

Mucaaradku waxay mar kale qorshaynayaan in ay sii wadaan dibad baxyo ay ku dalbanayaan in la qabto doorashada madaxtooyada ka hor doorashada ururada, iyagoo markii hore baajiyay kadib ergo is xilqaantay oo ka dalabatay in maalintii Sabtida la baajiyo mudaharaadada.

Comments are closed