|

Aarre Saleebaan Cawleed oo in Madaxweyne Geele dhaliilay lagu eedeeyay

Gabiley (QJ) – Waxa maanta maxkamad ku taal magaalada Gabiley la horgeeyay muwaadin reer Jabuuti ah oo halkaa ku xirnaa eedo uu u jeediyay madaxweynaha Jabuuti.

Aarre Saleebaan Cawleed ayaa lagu soo eedeeyay in loo haysto in uu aflagaadeeyay madaxweynaha Jabbuuti isagoo ku sugan gudaha Somaliland.

Warqadda Eedda ee maxkamada la horgeeyay ayaa lagu sheegay in Aarre, madaxweynaha Jabbuuti ku tilmaamay “ Dilaa” iyo weliba in uu shayaadiinta la shaqaysto.

Sidoo kale xeer Ilaalinta ayaa Aarre, ku soo oogay eed ah in uu Aflagaadeeyay qoyska madaxweyne Geelle.

Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa sheegtay in muwaadinkan reer Jabuuti aanu aheyn kii u horeeyay ee Somaliland u xisho eedo ka yimi dawlada Jabuuti oo aan iyadu ogoleyn in la dhaleeceeyo.

Comments are closed