|

Nolosha shacabka Somaliland oo sii adkaanaysa iyo xukuumadda oo aamusan

Shacabka Somaliland waxay blihii lasoo dhaafay a daalaa dhacayaan sicir barar xadhkaha goostay iyo maciishada oo kusii adkaanaysa, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo ay dawladdu ka qaaday si qiimayaasha loogu ilaaliyo halkii hore.

Qiimaha raashinka, biyaha, shidaalka, korontada iyo kirooyinka ayaa dhammaan kordhay taas oo dad badan aan u saamaxahayn in noloshoodu ay is bixiso, waana arin ay dhaqaalahaynadu walaac ka muujiyeen.

Tusaale ahaan saaka qiimaha shidaalka ayaa gaadhay halkii ugu sarraysay abid Somaliland, waxaana uu qiimahani sababayaa korodh ku imanaya lacagaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha, korontada oo isticmaasha shidaalka iyo dhammaan walxaha kale ee lagusoo saaro dhidaalka.

Tusaale ahaan 1Litre shidaal ah ayaa maraya $1.3, foostada biyaha ah oo maraysa $1.5, 1 unit koronto ah wuxuu marayaa $0.84 (qiimaha bishan kuma jirto). Dhanka raashinkana celcelis waxa ku kordhay 50% halka badeecadaha qaar ay 100% qiimuhu kor u kacay.

Xukuumadda Somaliland ayaan weli waxba ka qaban xaaladda adag ee ay shacabkeedu wajahayaan iyadoo ku mashquulsan arimo siyaasadeed oo aan waxba ka tarahayn nolosha adag ee gudaha ka jirta.

Ganacsatada qaar oo warbaahinta Qurbejoog ay la xidhiidhay waxay sheegeen in qiimuhu uu kor usii socon doono maalmaha iyo ilaha soo socda oo tani ay kaliya tahay billow. Waxay sababta ku sheegeen badeecadaha dunida ee kala go’ay, shidaalka qaaliyoobay ee caalamka iyo dagaalada ka jira wadamada qaar oo shixnado badan kala gooyay.

Comments are closed