Madaxweyne Biixi oo ergo u diray wasiirkii is-casiley iyo xogo kale
Hargeysa (QJ) -Madaxweynaha Somaliland ayaa ergo tiro badan usoo diray Wasiir ku Xigeenkii Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland oo shalay is casilay.
Xubno ka tirsan xukuumadda iyo dad kale oo Madaxtooyada ka ag dhow kana tirsan beesha wasiirka ayaa ergo ahaan ugu yimi Cabdinaasir Caydiid iyagoo sheegay in madaxweynuhu wakhtigan rabo in uu shaqada kusoo laabto.
Wasiir Cabdinaasir Caydiid ayaa aqbalay xalay in ay is arkaan madaxweynaha balse kamay muuqan rejjo iyo ifafaale uu mar kale xafiiska ugu noqonayo.
Warbaahinta Qurbejoog waxay heshay sababta dhabta ah ee ka danbaysay is casilaada wasiirka. Cabdinaasir Caydiid wuxuu ka biyo diiday kulan uu todobaadkan madaxweyne Biixi la yeeshay masuuliyiinta xukuumadda ee beeshiisa iyadoo madaxweynuhu aanu qadarin badan siinin ragga waawayn ee kasoo jeeda beesha wasiirka kana tirsan xukuumadda.
Cabdinaasir Caydiid wuxuu sidoo kale saluugay in aanay jirin haba yaraatee wax khayraad iyo wax qabad ah oo xukuumaddu deegaankiisa u qorshaysay, iyadoo dhammaan kharashka ka baxa uu ka bixin jirin jeebkiisa.
Xukuumadda Somaliland ayaa wakhtigan rabta in is-casilaada wasiirku aanay noqon waddo ku furanta xili xiisad siyaasadeed ay jirto.
Iscasilaada wasiirka ayaa imanaysa xili uu dalku wejahayo xaalado colaadeed saameeya degaanka uu ka soo jeedo masuulkan oo ka dhalan karta dib u dhiga doorashooyinka Madaxweynaha.