|

Sababta is-casilaada Cabdinaasir Caydiiid iyo guuxa jira

Hargeysa (QJ) -Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Cabdinasir Ceydiid ayaa sheegay in uu is-casilay isla markaana ka tegay jagadaas.

Cabdinaasir Caydiid ayaan weli bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan sababta uu isu casilay, xili Somaliland ay ka jirto xiisad dhanka amniga ah oo ka dhalatay muranka xisbiyada ee ku aadan Doorashada Madaxtinimada ee ku muddaysan 13 November, 2022.

Ilo xog-ogaal ah oo warbaahinta Qurbrjoog.com la hadashay ayaa sheegay in is-casilaada wasiirku ay dabada ku hayso khilaafka siyaasiga ah ee imika ka jira Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa inta badan masuuliyiinta xukuumadda ee beesha degta koonfurta Hargeysa iyo galbeedka Burco ku cadaadinaysay in ay taageero uga raadiyaan beeshooda xukuumadda madaxweyne Biixi oo mucaaradad adag kala kulmaysa deegaankaas.

Waxa jirta guuxa isku-shaandayn uu samaynayo madaxweyne Biixi, taas oo ah dhanka masuuliyiinta amniga sida ciidamada iyo masuuliyiinta waaxda fulinta ee dhanka amniga.

Tilaabadahan danbe ee uu damacsan yahay madaxweyne Biixi  ayaa loo arkaa mid uga sii dareysa xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee dalka.

Iscasilaada wasiir ku-xigeenkii amniga ayaa ku soo beegmeysa xili xukuumadu ay isku deyeyso in ay caalamka ka raarido in xasilooni iyo hanaan dimuqraadi dalka ka jirto.

Comments are closed