Maxaa ka jira in xildhibaanada Baarlamanka Somaliland ay is-hubaynayaan
Hargeysa (QJ) – Maalmihii la soo dhaafay waxaA sii kordhaya xildhibaanada ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, kuwaas oo lagu arkayo hub ay wataan gaar ahaan baastoolado.
Muuqaal qabsaday baraha bulshada ayaa lagu arkay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo dhex lugaynaya maqaaxida Mega Plaza oo aan ka fogayn aaga ay ku taalo Madaxtooyada Somaliland iyo badi wasaaradaha dawladdu, Xildhibaanka ayaa baastoolad ku sitay dhanka bidix.
Maalintii Sabtida ee todobaadkan ayay ahayd markii la arkay xildhibaan Saleebaan Goox oo baastoolad kula soo baxay guddaha Golaha Wakiilada dhex deeda xili ay is-af-dhaafeen xildhibaan Cabdirashiid Cagaweyne oo ay kasoo wada jeedaan deegaanka Bariga Burco.
Arintan ayaa sabab u ah khilaafka cakiran ee ka taagan siyaasadda Somaliland iyo rabshado laga cabsi qabo hadii ay dhacaan iska-hor-imaado dhex mara dadka mudaharaadada loogu baaqay iyo booliska Hargeysa.
Mucaaridka dalka ayaa shaaciyay in ay dalka ka qabanayaan isu soobaxyo lagu taageerayo nidaamka dimuqraadiyada Somaliland, halka xukuumada Somalilandna ay diiday arinkaa.