Madaxweyne Biixi oo ku guuleystay kala dirida Gudidii Doorashooyinka dalka
Hargeysa (QJ) – Saddexdii xubnood ee ka soo haray guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta iscasilaadooda u gudbiyay madaxweyne Biixi.
Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.
Axsaabta mucaaridka ayaa sheegay in xubnaha Guddida doorashooyinka iscasilaadooda uu ka danbeeyo madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku eedeeyeen in uu u cagajugleeyay.
Saddexdii xubnood ee u danbeeyay ayaa maanta iska casilay guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.
Sidaa waxa ku burburay nidaamkii dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku soo caano maashay 31 kii sano ee ay dhisneyd.
Somaliland ayaa wejehsa duruufo nebedgelyo xumo oo ka dhalan kartta diidmada doorashooyinka madaxweynaha ee loo balansana 30ka Novenber ee sanadkan.