|

Musharax Cirro: Mudaharaadyadu wey dhacayaan, ciidamaduna sharciga ha ogolaadaan

Hargeysa (QJ) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaa ka socda abaabulka banaan bax weyn ay dhigayaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, kuwaa oo ka soo horjeeda carqaladeynta nidaamka doorashada Madaxweynaha.

Musharaxa Xisbiga Waddani ee xilka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in ay qabanayaan banaan bax nabadeed oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Musharax Cirro ayaa sheegay in banaan baxa lagu muujinayo dareenka shacabka in uu yahay xaq dastuuri ah, isla markaana lagu taageerayo Dimuqraadiyada curdinka ah waxa uuna ugu baaqay ciidamada in aysan is hortaagin banaan baxa balse looga baahan yahay in ammaanka banaan baxayaasha sugaan.

“Bannaan-baxa iyo muujinta dareenka Shacbigu waa xaq Dastuuri ah, waana uu dhacayaa cid xaq u leh oo is-hortaagi kartaana ma jirto, qorshihii iyo diyaar-garawgii isu soo baxa nabadeedna sidiisii ayuu u socdaa.

Hay’adaha amniga waxaa ku waajib ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta oo uu ka mid yahay xaqqa cabbirka ra’yiga iyo bannaan baxuba” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Musharax madaxweyne Cirro ayaa ku adkeystay in doorashadu dhacdo wakhtigii loo cayimay ee November 13, 2022, ciidamadana faray in aaney khilaafka doorashooyinka ku milmin.

“Ciidamadda qalabka sida waxa aan uga digayaa in ay ku milmaan murranada siyaasadda ee Xukuumadda xilkeedu sii dhammaanayo ee ay dalka ka waddo. Ciddii gaysata gef iyo xad-gudub waxaa ka dhalan doona ciqaab iyo isla-xisaabtan, Shacabka & Sharciguba midna saamixi maayo. Dhawaan waxaa dhalan doonna isbeddelka Shacbigu hoggaaminayo 13November2022” ayuu yiri Cirro.

Comments are closed