Wefdiga Mareykanka ayaa sheegay in booqashadoodu qeyb ka tahay siyaasadooda Soomaaliya mid ah
Hargeysa (SD) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku soo dhaweeyey Somaliland Jeneral Stephen Townsend, Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), si wada-tashi looga sameeyo horumarinta danaha labada dhinac ee ammaanka Bariga Afrika.
Weftig ay hogaaminayaan Jeneral Stephen Townsend iyo Danjire Larry André waxa ay booqasho qiimeyn ah ay ku tageen Dekedda Berbera iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Berbera.
Taliyaha Taliska Ciidammada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa dhankooda sheegay in safarkoodu qeyb ka yahay wada shaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya iyo maalulada gobolada kale.
Booqashada wefdigan sare ee Mareykanka ka socda ayaa ku soo beegmeysa xili Somaliland ay ka jirto muran siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka Madaxtooyada.
Axsaabta mjucaaridka Somaliland ayaa Madaxweyne biixi ku eedeeyay in uu gebi ahaanba laalay nidaamkii doorashooyinka dalka isla markaana aaney u aqoonsan doonin madaxweyne kolka la gaaro dhamaadka mudo xileedkiisa.