|

Musharax Ciro: Muuse Biixi waxa uu laalay doorashooyinkii dalka

Hargeysa (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa baarid gelyay khilaaf hogaan oo ka dhex aloosan Guddida Doorashada Somaliland, taas oo loo fasirtay qorshe dib loogu dhigayo doorashooyinka Madaxweynaha ee November.

Guddida Doorashada Somaliland ayaa bishii April xilkii ka qaaday Gudoomiye Riyoraac isla markaana doortay Kaltuun.

Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Wadani iyo UCID ayaa si weyn uga hor yimi talaabada madaxweyne guddida baarida ah ugu saaray guddidda doorashooyinka qaran.

Xisbiga mucaaridka ugu weyn ee Wadani ayaa ka falceliyay goaanka madaxweyne Biixi, isla markaana sheegay in Kulmiye laalay hanaankii doorashooyinka dalka.

Musharaxa madaxweyne ee Wadani Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in loo diyaargaroobo ka hortaga damaca Muuse Biixi.

“Dalku waxa uu qaaday jidkii digtaatooriyadda iyo sharci darrada kaas oo Somaliland u horseedaya jid aanay Somaliland mahadin masuuliyaddiisana waxa qaadaya Muuse Biixi”. Musharraxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.

Goaanka Madaxweyne Biixi ee Guddida doorashooyinka ayaa imanaya maalin uun ka dib kolkii uu Gollaha Wakiilada ka hor sheegay in Dooorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta la qaban doono xiliyadooda.

Talaabadan madaxweyne Biixi qaaday ayaa loo arkaa in uu uga gol leeyahay mudo kororsi iyo laalida doorashooyinka dalka.

Comments are closed