Madaxweyne Biixi oo Madaxtooyada Qadhaan ugu ururiyay Suuqa Waheen iyo dareenka ka dhashay
Hargeysa (SD) – Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay ganacsatada u qabatay afur qadhaan loogu ururiyay gurmadka suuqa Waaheen.
Kulanka ayaa lagu soo casuumay ganacsatada ugu waaweyn ee Somaliland oo qaadhaanka ka qeybqaatay.
Sida la sheegay waxa Afurkii xalay lagu ururiyay lacag gaareysa $8,000,000 (Siddeed milyan) oo Doollar.
Kulanka iyo yabooha xalay ayaa ku soo beegmeysa xili dood iyo shaki ka taagan tahay cida xaqa u leh maamulka dib u dhiska suuqa waaheen.
Madaxtooyada ayaa ku adkeysaneysa maamulka hantida lagu maareynayo dib u dhiska Suuqa dabku baabiyay dhawaanta ee Waaheen.
Axsaabta mucaaridka iyo xubno ka mid ah goleyaasha degaanka Hargeysa ayaa sheegay in xukuumada dhexe aaney xaq u laheyn maamulka hantida isla markaana aaney ku aamineyn hantida umadda dhibaateysan loogu deeqay dadka tabaaleysan.
Isweydiintuse waxa ay tahay sababta uu Duqii magaalada Hargeysa ee dadweynuhu aqlebiyada ku doorteen uga aamusan yahay sida ay wax u socdaan.
Sidoo kale Axsaabta mucaaridka ee iyaguna heysta aqlebiyada shacabka Somaliland ay shicibka ugu daawanayaan dhibta socota.