Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo ka warbixiyay kaalmada ay Soomaaliya u fidasay reer Hargeysa
Muqdisho (QJ) -Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka soo jeeda Magaalada Hargeysa ayaa si mug leh uga warbixiyay gurmadka dawlada dhexe ee Soomaaliya u fidisay ganacsatadii hantidooda ku waayay dabkii burburiyay suuqa Waaheen.
Xildhibaanka ayaa warbixin oo bogiisa Facebooga dhigay ku yiri:
Lacagtii Taakulada Sanduuqa Waaheen way baxday iyada oo ku dhacday Xisaabta Guddiga Taakulada uga furan Bangiga Dahabshiil. Lacagtan Cadadkeedu waa 12,700,000 dollar. 11.7 Million oo ka mid ah lacagtani waxay timid Bangiga Adduunka waxaana asal ahaan loogu talagalay in lagula tacaalo masiibooyinka (Shocks/Hazards), iyada oo waagaa loo qoondeeyey in lagu tacaalo burburkii dhaqaale ee uu sababay COVID ku. Markii ay dhacday mashaqada Suuqa Waaheen ku habsatay, Waxa kulamo is daba joog ah yeeshay madaxda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee masuuliyadaha kala duwan ka haya Dawladda Federal ka ahi iyaga oo ka wada xaajooday sida ugu habboon uguna degdega badan ee gacan looga gaysan karo Taakulada Waaheen. Sidoo kale waxa kulamo joogta ah lala yeeshay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federal ka ah oo si xilkasnimo ku dheehantahay ugu hawlgalay hawsh, Waxa la qaaday tallaabooyinkan:
1. Raysal Wasaaraha iyo Ku xigeenkiisa ayaan la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Xafuntoodu tahay magaalada Muqdishu oo ballan qaaday yabooh 2 million ah. Maamlo ka dib waxa soo gebageboobi doonta 2 million oo ka iman doonta ganacsatada Soomaaliyeed.
2. Xukuumada Federal ka ah iyo Bankiga adduunka ayaa ka wada xaajooday sidii lacagta 11.7 Million ka ah loogu wareejin lahaa taakulada Suuqa Waaheen taas oo la isku afgartay in lacagtaas loo wareejiyo Xisaabta Guddiga Taakulada Ee Suuqa Waaheen.
3. Xildhibaanada ( oo ay hormuud ka yihiin Guddiga Xildhibaanada ee Hawsha Taakulada), RW, RW. Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa si joogta uga wada socday dardargelinta hawsha taakulada iyada oo maanka lagu hayo sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd dadka dhibtu gaadhay.
Inkasta oo marnaba aanay ku filnayn baahida balladhan ee ka dhalatay burburka laxaadka leh Suuqa Waaheen, haddana waxay bilow Wanaagsan utahay yaboohda suuqaas besbeelay loo sameeyey, si dib u dhis casri loogu sameeyo Suuqa; Sidoo kalana faraqabsi loogu sameeyo dadka ku caydhoobay masiibadan.
Marka ay soo xarooto 2million ee Ganacsatadu taas oo ka dhigayaa tirada guud ee lacagta taakulada Waaheen loogu talagay 14.7 Million, waxa dawlad iyo shacab ba la gudboon in lacagtaas si hufan oo xilkasnimo ku dheehantahay loo maamulo.