Solteco oo ah Duqa Haregysa ama Suuqa Gobonimo oo gubta Muuse ma carqaladeyn lahaa dib u dhiskooda
Hargeysa (SD) – Dadweynaha reer Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay isweydiinayay sababta uu Madaxweyne Biixi u carqaladeyno hawsha dib u dhiska suuqii dhawaan uu dabku burburiyay ee Waaheen.
Xili weliba aan wax gurmad ah oo la taaban karo aan loo fidin dadkii iyagu dedaalkooda ku tabcaday hantidii halkaa ku basbeeshay.
Xukuumada Muuse oo ka talo qaadaneysa kooxda HEEGO ayaa muuqata in ay hunguriyeeynayaan hanti loogu yaboohayo dib u dhiska suuqa Waaheen iyo taakuleynta ganacsatadii hantidoodu halkaa ku gubatay.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku cadaadinayo gollaha degaanka caasimada in ay gebi ahaanba xukuumadiisa la wareegto maamulka hantida lagu dayactirayo Waaheen laguna gacan qabanayo ganacsatadii laheyd hantidii gubatay.
Hadaba dadka reer Somaliland ayaa isweydiinaya xaalku sida uu ahaan lahaa hadii Cabdiraxmaan Solteco ahaan lahaa duqa magaalada Hargeysa and suuqa gubtay ahaan lahaa Gobanimo oo ku yaal xaafada reerka Muse magaalada ka degan yihiin.